Maskaxdaadu way ku dili kartaa

Maskaxdaadu way ku dili kartaa

Wakhti wakhtiyada ka mid ah ayaa waxaa soo gaadhay magaalo nin socoto ah, albaabkii magaalada waxaa uu kula kulmay ninkii Malagii Geerida. Ninkii isagoo Argagaxsan ayuu waydiiyay Malagii Geerida, Malagoow maanta maxaad meesha ka qabanaysaa. Malagii wuxuu ugu jawaabay: waxaan maanta ka soo qaadayaa nafta 100 qof oo magaaladan dagan, intuu wakhtigu ii gaadhayana halkan ayaan kusii sugayaa. Ninkii oo aad ugu naxay hadalkii malaga ayaa cararay oo u cararay dhinacaas iyo magaaladii, isagoo qaylinaya oo leh “Dadoow malagii nafta ayaa fadhiya albaabka magaalada waxaanuu nafta ka qaadayaa 100 qof oo magaalada jooga’e kala yaaca oo sidaa u ogaada” intaas ayuu dhawr jeer ku celceliyay isagoo naxsan oo qaylinaya illaa dadkii intii ugu badnayd ee magaaladu maqashay. 

Dadkii oo cabsi badan gashay ayaa guryahoodii ku yaacay, iyaga oo aad u wel-welaya oo ka baqaya inay kamid noqdaan boqolkaa qof ee nafta laga qaadayo, midkasti wuxuu hoosta ka galay ehelkiisii iyagoo wada cabsanaya. Waxaa sidaa ku dhamaatay maalintii, ninkii socotada ahaa ayaa kasoo baxay magaaladii, waxaa uu arkay malagii nafta oo fadhiya albaabkii magaalada wuxuu waydiiyay: Malagoow maxaad sidaa u samaysay oo aad beenta iigu sheegtay, waxaad tidhi waxaan nafta kasoo qaadaya kaliya 100 qof laakiin waxaad kasoo qaaday nafta 5000 qof?! Sababta ma iisheegi kartaa? Malagii waxa uu ugu jawaabay Anigu been kuumaan sheegin, sidii caadada ii ahayd waxaan kasoo qaadi jiray maalinkasta 100 qof magaaladan, dadkaas oo isugu jiray kuwii xanuusanayay, dadkii waawaynaa oo dhamaan wakhtigoodii dhamaaday, waxaa laakiin xaalada badalay maanta oo 4900 oo qof dilay waxay ahayd cabsidii iyo argagaxii aad galisay magaalada adigu, dad aan kuba jirin liiska geerida ayaa iska soo galay naxdin ay ka nexeen awgeed, kadibna aamineen inay geeriyoonayaan, markaad u sheegtay inay 100 qof geeriyoonayaan.

Sida aad ka fahmi karto sheekadan, waxaa dhab ah oo jirta inay maskaxdaadu mararka qaar ku dili karto adigoon ahayn mid geeri khatar ugu jira, hadaad ka fikirto oo aad is dhiibto adigoon laguba soo gaadhin, maskaxdaadu amar qaldan ayay jidhka qaybihiisa kale u diraysaa taas oo sababi karta inaad geeriyooto, ee ogoow oo markasta niyada ku hay in aad geeriyoonayso kaliya marka ay soo gaadho wakhtigaagu ka horna aanad geeriyoonayn. Ha dhagaysan oo ha akhrin wararka naxdinta kugu beeri kara iyo wixii lamid ah, ahowna markasta qof nafta khayr u sheega oo aan ka nixin, si’aanad adigu gacantaada isugu dilin.

 

Dhamaad

Xigasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *